Madaxweynaha Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Madaxtooyada

Madaxweynaha Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Madaxtooyada

daajis.com:- Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaadda Ciidul Fidriga ku tukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ummadda Muslimiinta ah iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Farmaajo oo salaadda Ciidda ka dib khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayaa ku boorriyey in ay ku dadaalaan taakulaynta dadka danyarta ah iyo ka shaqaynta danta guud, taasoo qayb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaallada dowladdu ay ku bixisay ka shaqaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed midoobaan, una guntadaan horumarinta dowladnimadooda.

“Waxaan mudnaanta siinnay in aan ilaalinno midnimado dalkeenna, difaaca sharafteenna iyo horumarinta dowladnimadeenna. Waxaan diiradda saarnay dib u habaynta caddaaladda iyo garsoorka oo tiir u ah nolasha wanaagsan iyo diinteena suubban.”




Ugu dambeyntii Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib-u-dhiska dalka, xasilloonida iyo la dagaallanka cadawga argagixisada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada