Madaxweynaha la doortay oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo kala duwan

Madaxweynaha la doortay oo jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimo kala duwan

daajis.com:- Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu doortay Xasan Sh. Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, ka dib markii uu si weyn uga guulaystay madaxweynaha haatan xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareega saddexaad oo ay labada madaxweyne ku tartameen, ayaa Xasan Sh. Maxamuud wuxuu helay 214 cod oo ka mida 327-ka mudane ee codkooda dhiibtay, halka madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod, waxaana shirguddoonku ay sheegeen in saddex cod ay khasaareen.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyey madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha laga guulaystay ee haatan xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay isaga oo u ballan-qaaday inuu la shaqaynayo madaxweynaha la doortay.

“Waxaa halkan ku soo gebagebowday, doorashadii soo socotay in muddo ah, waxaan rabaa inaan halkan ku soo dhoweeyo walaalkay, madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh oo aan leeyahay hambalyo, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu u sahlo hawshan dhibta badan, hawl aad iyo aad u adag weeye, wax sahlanna maaha, kuligeen aan ilaahay u barino, in ilaahay hawshan u fududeeyo, annagana waxaan u muujinaynaa wada shaqayn, madaxweyne soo dhowow” sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad jeediyey markii doorashadu soo dhamaatay.

Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo guddidii doorashada ee doorka weyn ka ciyaartay in doorashadu ay qabsoonto.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahadceliyey madaxweynaha xilka ka degaya, isagoo sheegay in dalku u baahan yahay in hore loo socdo.

"Madaxweynuhuna [Madaxweyne Farmaajo] wuu ku mahadsan yahay inuu isaguna maanta I garab taagan yahay, sidii aan marar farabadan ku celiyey, dalkeenu wuxuu u baahan yahay inaynu hore u socono, inaan dib u noqono uma baahna, gocasho uma baahna, waxaan u baahanahay wixii jira ee tabasho ah, inkasta ha le’ekaadeene inaan daawayno” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo hadal ka jeediyey munaasibaddii gunaanadka doorashada.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa intaas ku daray, in aanay jiri doonin aargoosi siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan xasuuso adag iyo dhibaatooyin la soo maray oo aan la hilmaami Karin, hase ahaatee wuxuu soo jeediyey in la iscafiyo.

“Sidii aan habeen dhowayd ka dhawaajiyey, markii aan iclaaminayey musharaxnimadayda, iska aarsi ma jiro, [in la iska aarsado], is-daba-gal siyaasadeed ma jiro, dalkani qawaaniin ku filan ayuu leeyahay, haddii wax isbedello ah iyo wax lagu kala aragti duwan yahay ay yimaadaan, qawaaniinta ayaan la tiigsan doonnaa ilaahay idamkii, ee qof waliba sida la qumman ma yeelayo" ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Wuxuuna intaas sii raaciyey "Dadka Soomaaliyeed, dhibaatooyinkii muddada dheer soo gaadhay, ee illaa iyo maanta wixii ka horreeyey oo dhan waxaan leeyahay, walaalayaal xanuunka murugada xasuusta leh lama illoobi karo, laakiin waa la cafin karaa ee aan is cafinno. Qalbigeenna aan hagaajinno, aan ka fikirno berri, yaynaan ku mashquulin shalay, iyo wixii soo dhacay haddii alle yidhaadho.” Ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada