RW Rooble oo kala diray guddiyadii doorashada dadban ee 2020/22

RW Rooble oo kala diray guddiyadii doorashada dadban ee 2020/22

daajis.com:- Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku kala diray guddiyada doorashada dadban ee heer federaal, heer dawlad goboleed iyo weliba guddida xallinta khilaafaadka. Qoraalka ka soo xafiiska ra'iisal wasaare Rooble ayaa ujeedada kala dirista guddida doorashada dadban ku sheegay, inay dhamaatay shaqadoodii.

"Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo uga mahad-celinaya dhammaan guddiyada kala duwan ee doorashooyinka dadban, waajib gudashadoodii qaran, ayaa waxa uu si rasmi ah u kala diray dhammaan guddiyada doorashooyinka dadban ee 2020/22, iyada oo xil-gudashadoodu ku ekayd doorashada labada aqal ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya" ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in kuraasta haatan ka banaan baarlamaanka ama kuraasta sabab kale u banaanaata inay maamuli doonaan guddida doorashada ee madaxa banaan oo ku shaqaynaya isla habraacyadii horey loogu soo doortay baarlamaanka 11aad ee JFS.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada