Sheikh Mohamed bin Zayed oo loo doortay madaxweynaha UAE

Sheikh Mohamed bin Zayed oo loo doortay madaxweynaha UAE

daajis.com:- Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan oo muddo soo ahaa dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalkaasi, sida ay warisay wakaaladda wararka ee dowladda, waxaana xilkan loo dhiibay maalin ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaasi Sheikh Khalifa.

Wakaaladda wararka ee WAM ayaa warisay in Sheikh Mohamed ay doorteen Golaha Sare ee Federaalka, waxaana uu noqon doonaa hoggaamiyaha dalkan hodanka ku ah saliidda ee sanadkii 1971-kii uu aabihiis aas-aasay.

Sheikh Mohamed, oo ku magac dheer 'MBZ' ayaa la kulmay xubnaha Golaha Sare ee Federaalka oo ka kooban madaxda toddobada imaaradood ee dalkaasi, xilli uu dalkaasi galay baroordiiq loo sameynayo walaalkii ay isku aabaha yihiin ee Sheikh Khalifa.

Magacaabistiisa oo ahayd mid si weyn loo filayay ayaa rasmi ka dhigeysa in uu hoggaamiyo dalkan saxaraha ah ee ay ku nool yihiin toban milyan oo qof, ka dib sanado badan oo uu talinayay sababo la xiriiraa xaalad caafimaad darro uu haysay madaxweynaha geeriyooday ee Sheikh Khalifa.





AFP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada