Al-Shabaab oo muddo labo saacadood ah haystay gaari rakaab ah oo ka yimid Nairobi

Al-Shabaab oo muddo labo saacadood ah haystay gaari rakaab ah oo ka yimid Nairobi

daajis.com:- Dagaalamayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa wadada u galay oo istaajiyay Bas ay la socdeen dad rakaab ah oo kusii jeeday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Dhacdadan oo ka dhacday deegaanka Kutulo oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa Alshabaab waxay baadi goobayeen dad aan u dhalan degmada Mandheera oo la socday gaariga.

Baska oo rakaab kasoo qaaday magaalada Nairobi kuna sii jeeday Mandheera, waxaa jidka u galay rag aad u hubeysan oo katirsan Alshabab, kuwaas oo rakaabka haystay muddo labo saacadood oo baaritaan ah,

Alshabaab waxay sidoo kale joojiyeen Taksi ka yimid Kotulo oo ku sii jeeday Ceelwaaq iyo Mooto ka soo baxay Tuulada Dimu.

Kadib markii ay waayeen dadkii ay raadinayeen waxay  Alshabaab, dadka ujeediyeen waxay ugu yeereen muxaadaro ku baxaysay luuqada Soomaaliga, taas oo inta badan rakaabka aysan fahmin, sida ay qaar kamid ah rakaabka u sheegeen laamaha Booliiska.


Bishii Disembar 2019, siddeed rakaab ah oo aan ahayn dadka deegaanka ayaa lagu dilay weerar ay Alshabaab ay ka sameeyeen isla aaggan.

Mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ka dhacay gudaha dalka Kenya, Al-Shabaab ayaa sanadkii 2014-kii afduubtay bas marayey degmada Mandheera, waxaana ay ku dileen 28 qof oo aan Muslim ahayn.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada