Ciidamo ka madax banaan DF iyo Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay (Sawirro)

Ciidamo ka madax banaan DF iyo Galmudug oo Gaalkacyo lagu soo bandhigay (Sawirro)

daajis.com:-  Ciidamo tababaran oo ku hubeysan gaadiid dagaal, isla markaana wata dareys u gooni ah ayaa maanta dhoolatus ku soo bandhigay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug.

Ciidamadan oo loogu magac daray (Cobra)  ayaa la sheegay iney ka madax banaan yihiin DF iyo dowlad goboleedka Galmudug,

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa waxaa sameystay shirkad lagu magacaabo Baraarug oo qaabilsan dhinaca amniga, waxaana la sheegay iney ka howlgeli doonaan degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.


DF iyo Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin ciidan cusub ee lagu soo bandhigay koonfurta magaalada Gaalkacyo, mana cadda sida ay isula howlgeli doonaan ciidamadan cusub iyo kuwa Galmudug ee hoos taga DF.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada