Cumar Finish oo soo dhaweyn u muuqatay Sagootin loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cumar Finish oo soo dhaweyn u muuqatay Sagootin loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

daajis.com:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Finish) ayaa maanta dib ugu Soo noqday Dalka, kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay uu ku joogay dalka Turkiga.

Cumar Finish waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan ay ku jiraan guddoomiyaal degmo ,agaasimayaal iyo qaar kamid ah shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Soo dhaweynta maanta loogu sameeyay garoonka Aadan Cadde Duqa Muqdisho ayaa u muuqatay mid sii sagootis ah, waxaana si weyn loo hadal hayaa in maalmaha soo socda xilka laga qaadayo Cumar Finish

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in uu diyaariyay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabayo gobolka Banaadir, waxaana wararka xoogiisa sheegayaan in mar kale gobolka loo soo celinayo guddoomiye horey xilkaasi usoo qabtay.


Dowladda cusub ayaa la filayaa in meesha ka saarto inta badan masuuliyiintii sida weyn ula saftay una taageersanaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo, waxa uuna Cumar Finish kamid ahaa dadkii taageerada Farmaajo sida weyn u madax martay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada