Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in la fasaxay Qaadka Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in la fasaxay Qaadka Kenya.

daajis.com:- Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka la xiriira in dib loo fasaxayo Qaadka laga keeno dalka Kenya oo ay xanibtay maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Farmaajo, iyagoo fasaxay Qaadka Itoobiya.

Sarkaal sare oo ku dhow maamulka cusub ee talada dalka haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro qaadka.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah, lama oga waxa uu noqon karo rabitaanka DFS.

Si kastaba, Dowladda Kenya ee uu madaxweynaha ka yahay Uhuru Kenyatta ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka ee dalkeeda.


Qaadka Kenya ee Soomaaliya la keeno ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay Qaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada