Kudhowaad 10 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kudhowaad 10 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

daajis.com:- Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaare xooggan sababay oo ka dhacay xero barakac oo ku taala degmada Dharkiinleey ee magaalada Miqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa la dhigay maqaaxi habeenkii lagu caweeya oo ku dhex taala xerada barakac ee Badbaado kaasoo fiidkii hore ee xalay dhacay, wxaana xiligaasi la sheegay iney mashquul badan eheyd maqaaxida oo ay fadhiyeen askar iyo dad shacab ah.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxan ay ku geeriyoodeen 6 ruux, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay ayaa u badnaa rag Xamaalato ah oo maalinkii ka shaqeysta magaalada iyagoo muruqooda maalaya, habeenkiina isaga caweeya maqaaxida la weeraray ee ku dhex taala xeradooda barakac.


Ciidamada amaanka ee degmada Dharkiinleey ayaa tagay halka qaraxa uu ka dhacay iyagoo sameeyay howlgalo baaritaana ah, waxeyna ku guul dareysteen iney gacanta ku soo dhigaan ragii ka danbeeyay falkan.

 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada