Maxaa lagaga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

Maxaa lagaga hadlayaa shirka Golaha Wadatashiga ee ka furmay Muqdisho?

daajis.com:- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka golaha wadatashiga qaranka ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah. Shirkan oo ay ka qaybgelayaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dawlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra'iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu baahiyey bogga ay ku leeyihiin Facebook oo faahfaahinaya ujeedada kulanka shirka madasha wadatashiga qaran.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortabinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doonaan dhammeystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.


Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada