Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo gaaray magaalada Buulo-burde oo 10 sano go’doon ah.

Ergeyga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo gaaray magaalada Buulo-burde oo 10 sano go’doon ah.

daajis.com:- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa safar gaaban maanta ku tagay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

U-jeedka socdaalka Ergeyga oo ay wehiliyaan xubno ka socda Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo UNHCR, ayaa ku qotoma u-kuur-galidda xaaladdaha abaaraha iyo nolosha danyarta abaaruhu saameeyeen, isagoo kormeer iyo indha-indheyn ku tagay, xeryo barakac oo ku yaalla magaaada.

Ergeygu Kaamamka aadka u daran ee uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah, MADIINO & WADAJIR, kuwaasoo ay ku jiraan in ka badan 9,000 oo barakacayaal ah, sidoo kale wuxuu tagay ceelka ‘Bashiir Xaaji’ oo barakacayaashu biyaha ka cabaan, kaas oo hadda qarka u saaran inuu xirmo, sababo la xarrira inuu iska bixi la’yahay shidaalkii matoorka.

Buulo-burde waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku qulqulayaan dadka abaaraha ku ceyrtoobay, kadib afar xilli roobaad oo baaqday, isla-markaana ay yar tahay rajada laga qabo in ay si buuxda u hoorto Deyrta (Autumn) la sugayo bilaha September, October iyo November.

Barakacayaasha ku jira xerooyinka uu booqday ergayga ayaa u badan carruur, haween iyo dad da’ ah, wuxuuna Dowladda Federaalka, deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, kuwa aan caalimiga ahayn iyo umadda Soomaaliyeed ee wax heysata ugu baaqay in gargaar iyo gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadkaas.


Ergayga ayaa sidaan oo kale, dhamaadkii bishii hore socdaal indha-indheyn ku tagay xerooyin barakac oo ku yaalla magaalada Baydhabo, halkaasoo si daran looga baahan yahay nafaqeynta haweenka uurka leh iyo kuwa nuujinaya, carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo dadka da’da ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada