Gudoomiyaha golaha shacabka oo si kulul uga hadlay heshiiska dib loogu fasaxayo Qaadka Kenya.

Gudoomiyaha golaha shacabka oo si kulul uga hadlay heshiiska dib loogu fasaxayo Qaadka Kenya.

daajis.com:- Gudoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa ka hadlay heshiiska la filayo in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo ay kala saxiixdaan madaxweyne Xasan iyo Uhuro Kenyatta oo la xiriirta dib u fasixida Qaadka laga keeno dalka Kenya.

Aadan Madoobe waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiisyada ay dowladda la gasho dowladaha kale ee aan baarlamaanka la soo marsiinin, isagoo shaaciyay in marka hore ay xukuumadda soo gasho heshiisyada caalamiga ah ka dibna baarlamaanka loo soo gudbiyo si ay u ansixiyaan.

“Marka ay xukuumadda ay soo gasho heshiis caalami ah baarlamaanka ayay u soo gudbineysaa oo ansixinaya, wax ka baddalaya amaba diidaya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo BBC-da u waramay.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa hadalkiisa sii raaciyay in haatan uusan ku degdegaynin arrimaha la xiriira heshiiskaasi, maadaama wali aysan si rasmi ah u shaacin madaxtooyada Soomaaliya.

“Arrimaha diblomaasiyadda Kenya iyo Soomaaliya waa inaga horreyeen oo sida lagu kalatagay ma naqaan sidaa darteed dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa oo hadda kuma degdegyno laakin mabdi’iyan waxaan kuu sheegeyaa haddii heshiis caalami la galo waa in baarlamanka uu ansixiyaa.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Si kastaba, Mamnuucidd Qaadka Kenya oo la hirgaliyay sanadkii 2020 ayaa horseedday in suuqa maalinlaha ah ee qaadka kenya uu lumiyo in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ku dhowaad 200 oo kun doolar.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada