Puntland “wixii Farmaajo aaan ka diidnay cid kale kama yeelayno, geedka Timirka ayaan u fadhinaa dowladda cusub”

Puntland “wixii Farmaajo aaan ka diidnay cid kale kama yeelayno, geedka Timirka ayaan u fadhinaa dowladda cusub”

daajis.com:- Puntland ayaa ka fikireysa sidii ay mucaarado ugala hor-iman leheyd dowladda cusub ee uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aaney sidii ay ka filanayeen wali ka helin.

Wasiirka Tamarta maamulka Puntland Carshe Siciid oo fagaare ka hadlayay ayaa banaanka keenay ineysan faraha ka laaban doonin khaladaadka dowladda cusub, isagoo si cad u muujiyay in sidii ay ula dagaalameen Farmaajo oo kale ay ula diriir doonaan.

“Puntland wixii Farmaajo ay ka diiddey cid kale kama yeelayso, geedka Timirka ayaan u fadhinaa dowladda cusub”  ayuu yiri Wasiirka Tamarta, Carshe Siciid.

Waxa uu dhinaca kale banaanka keenay sababta guuldaradii uu Muqdisho kala laabtay madaxweynaha maamulkaasi Siciid C/llaahi Deni, isagoo jabkaas dusha u saariyay xildhibaanadii ay ka soo saarteen Puntland ee federaalka oo sida uu hadalka u dhigay ka codeeyay

“Puntland in ay hanan weydo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa eedeeda leh xildhibaannadii aan eedda u galnay, wixii aan Farmaajo ka diidneyna ka yeelimayno dowladda Xasan” ayu uku celiyay Wasiirka Tamarta maaulkaas carshe Siciid oo kamida wasiirada ugu dhaw Deni.




Puntland ayaa ku guul dareysatay laba isku day oo midi ahaa iney qaataan xilka madaxweynaha oo u Deni isu sharaxay,lacago Malaayiin Dollar ahna uga baxday iyo midka kale oo ahaa iney ra’iisul wasaaraha qaataan oo qof kasoo jeeda Puntland la siiyo, balse madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rajadaas god dheer ku riday kadib markii 15-kii Bishan uu xilka ra’iisul wasaaraha u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo xildhibaan Jubaland ka soo jeeda ahaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada