Bangiga Horumarinta Afrika oo Zimbabwe ka taageeraya sidii looga cafin lahaa $13.5 Billion

Bangiga Horumarinta Afrika oo Zimbabwe ka taageeraya sidii looga cafin lahaa $13.5 Billion

daajis.com:- Bangiga Horumarinta Afrika ee loosoo gaabiyo AfDB ayaa oggolaaday toddobaadkan inuu ka caawiyo dalka Zimbabwe in habka looga cafinayo deynta lagu leeyahay dalkaas oo gaadhaysa illaa 13.5 bilyan oo dollar, xilli uu dalkaas booqasho ku tegey madaxweynaha bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Baniga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale bilaabay inuu sii daayo lacag amaaha oo gaadhaysa illaa $1.5 billion oo dollar taas oo lagu caawinayo suuqyada dhaqaalaha ee Afrika, si looga caawiyo ka hortagga cunto yaraanta soo foodsaartay qaaradda ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Dalka Zimbabwe ayaa ka mida 38 dal oo lagu wado inay ka faa’iidaystaan lacagaha uu bixinayo Bangiga Horumarinta Afrika ee ku aaddan barnaamijka waxsoosaarka degdegga ah ee Afrika.

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina ayaa sheegay in madweynaha dalka Zimbabwe inuu codsaday in dalkiisa laga taageero jidka deyn cafinta.

"Waxaan rumaysanahay in dadka reer Zimbabwe, gaar ahaan shacabka caadiga ahi, inay soo mareen dhibaato ku filan. Dalka Zimbabwe oo ah dal qurux badan ayaa haddana dadkiisa ay 40% waxay ku nool yihiin xaalad faqiirnimo oo aad u hoosaysa, iyaga oo aan haysan wax dhaqaale ah oo ay kaga baxaan saboolnimadaas." ayuu yidhi guddoomiyaha bangiga horumarinta Afrika.


Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey "Haddaba, waa inaan abuurnaa rajo cusub iyo waddo cusub, si berri ay u noqoto maalin ka wanaagsan shalay. Zimbabwe waxaa lagu leeyahay deymo badan oo u baahan in go’aan laga gaadho. Laakiin buurta korkeeda ma gaadhi kartid, haddii aad tuurta ku sidatid kiish ay ciidi ka buuxdo. Zimbabwe dhaqaaleheedu ma soo kaban karo, haddii ay dusha ku sidato kiish ciid ah” ayuu yidhi Adesina.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada