C/raxmaan C/shakuur oo kormeeray barakacayaasha ku sugan Garoowe.

C/raxmaan C/shakuur oo kormeeray barakacayaasha ku sugan Garoowe.

daajis.com:- Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha iyo arrimiha bini,aadannimada Cabdiraxman Cabdishakur Warsame ayaa saakay kormeer ku tegey xerada barakacayaasha ee magaaladda Garowe.

Ergeyga oo ay wehliyeen madax ka kala socotay golaha wasiirrada, maamulka gobolka iyo dowladda hoose oo ay ka mid ah ahaayeen wasiirka Gargaarka, Goddoomiyaha Gobolka iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa indho indheyn ka sokow si hoose u xaal-wareystay guddiga kaamka iyo qaar ka mid ah qoysaska halkaas kusoo barakacay.

Guddiga kaamka iyo qoysaska oo si isku mid ah maamulka ugu ammaanay amniga ayaa waxa ay si isku mid ah uga cawdeen cunna yari daran iyo gargaar la’aan iyaga oo codsadey in kaalmo lalasoo gaaro.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada