Biden oo Bariga Dhexe ku maraya safar dhallin kara xiriir ay yeeshaan Saudi Arabia iyo Israel

Biden oo Bariga Dhexe ku maraya safar dhallin kara xiriir ay yeeshaan Saudi Arabia iyo Israel

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israel isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku bixinayo Bariga Dhexe.

Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel.

Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya – wuxuuna Jimcaha wada-hadallo la yeelan doonaa saraakiisha Sacuudiga, isaga oo sidoo kale ka qeyb-gali doona kulan madaxeedka dalalka Khaliijka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in safarka - oo ah kii ugu horreeyey ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isaga oo madaxweyne ah - uu dhalin karo tallaabooyin ku wajahan aas-aasidda xiriir ay yeeshaa Saudi Arabia iyo Israel, oo ah labada dal ee ugu awoodda badan xulufada Mareykanka ee gobolka.

“Waxaan si tartiib ah u qaadeynaa tallaabooyin arrintaas ku wajahan,” ayuu yiri sarkaal Israeli ah.

“Xaqiiqda ah in Biden uu booqanayo Israel, una halkan si toos ah uga duulayo Saudi Arabia waxay tusaale u tahay arrimo badan oo soo socday bilihii dhowaa.”

Safarka ayaa looga dan leeyahay xoojinta xasilloonida gobolka, dheereynta is-dhexgalka Israel iyo dalalka gobolka iyo ka hortigista saameynta Iran iyo gardarrada Russia iyo China.


“Safarka wuxuu xoojin doonaan kaalinta muhiimka ah ee Mareykanka ee gooblka,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Biden, oo dalkiisa ku wajahaya cadaadis ku saabsan in hoos loo dhigi qiimaha shidaalka, ayaa la filayaa inuu dalalka Khaliijka ku cadaadiyo inay kordhiyaan shidaalka ay soo saaraan, si qiimaha hoos loogu dhigo.

Xudunta safarka ayaa ah kulamada uu la yeelan doono madaxda Sacuudiga, oo uu ku jiro dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, oo sirdoonka Mareykanka ay horey ugu eedeeyeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Kulanka ayaa ka dhigan in Biden uu ka laabtay mowqifkiisii hore ee ahaa inuu Bin Salman ka dhigo “god’oon.”

REUTERS






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada