Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay Tallaalka COVID-19

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay Tallaalka COVID-19

daajis.com:- Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya keenayso 198,900 oo qiyaasood oo ah tallaalka Pfizer COVID-19 ah.

Dowladda Mareykanka ayaa tallaalkaan usoo marsiinaya Soomaaliya, xarunta COVAX oo ka shaqeysa in si siman loo helo tallaallada COVID-19.

Shixnaddan ayaa qayb ka ah ballan-qaadka dowladda Maraykanka ee ku aadan, ka jawaabidda caalamiga ah ee masiibada COVID-19, iyadoo Maraykanku uu hoggaamiyo dardargelinta iyo qaybinta tallaalka COVID-19 .

Maraykankuna wuxuu ballanqaaday inuu bixiyo 1.1 bilyan oo tallaal oo COVID-19 ah oo adduunka oo dhan ah. Ilaa hadda, Maraykanku waxa uu in ka badan 575 milyan oo qiyaasood oo tallaal ah gaadhsiiyey in ka badan 115 waddan.


Sida uu sheegay madaxweyne Biden, Mareykanka waxaa ka go’an dadaallada tallaalka caalamiga ah, si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha caalamka iyo soo afjarida masiibadan.

Hiiraan Online






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada