Waa kuma wakiilkii sare ee Al-Shabaab ee Gaalkacyo ee xabsiga ka baxsaday?

Waa kuma wakiilkii sare ee Al-Shabaab ee Gaalkacyo ee xabsiga ka baxsaday?

daajis.com:- Saddex kamid ah maxaabiis ku xirnaa xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa Shalay baxsaday, sida uu sheegay booliska magaaladaas.

Maxaabiista oo sugayay in lagu fuliyo xukun dil ah ayaa ka booday derbiga xabsiga, waxaana marka ay baxsanayeen ay tiradoodu ahayd todobo, sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire, taliyaha boliiska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

“Saacadihii hore ee Shalay ayaa todobo kamid ah maxaabiista loo haysto Al-Shabaabnimada ay ka baxsadeen xabsi gaar ah oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo. Saddex ayaa markii dambe la soo qabtay, halna waxa uu ku dhintay rasaastii ay ciidamada rideen,” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaa raaciyay inay wadaan baaritaan ku aaddan sida uu falkaas u dhacay, iyo inay jirto dayacaad dhanka ilaalada ah.

Booliska ayaa ku sheegay magacyada maxaabiista baxsatay:  Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liibaan Ciise Cali (Madaxkariye), waxaana uu abaalmarin lacag ah oo dhan midkiiba laba kun oo dollar uu u ballanqaaday cid kasta oo soo sheegto xogta raggaas.

Xasan Yare




Xasan Isaaq oo ku magac dheer Xasan Yare, kuna dhashay Baydhabo, ayaa muuqaal laga duubay waxa uu qirtay inuu ahaa hoggaamiye kuxigeenka Al-Shabaab u qaabilsan Koonfurta Gaalkacyo (dhinaca Galmudug).

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mas’uul ka ahaa qarax iyo weerar ka dhacay Gaalkacyo oo lagu dilay wadaad muran badan dhaliyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Yare.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu maleegay qarax ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Cabdullahi Ciise kaasoo lagu laayay askar iyo saraakiil hubinayay ammaanka goobtaas xilli uu ku wajahnaa ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Muuqaalka laga duubay Xasan Yare ayuu ku sheegay in lagu qalday fekerka Al-Shabaab, balse uu waayay qaab uu uga baxo.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada