Madaxa Hay’adda Caafimaadka oo shaaciyay in uusan awoodin inuu lacag u diro qaraabadiisa oo cunto-la’aan ay ku haysato gobolka Tigray

Madaxa Hay’adda Caafimaadka oo shaaciyay in uusan awoodin inuu lacag u diro qaraabadiisa oo cunto-la’aan ay ku haysato gobolka Tigray

daajis.com:- Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr Tedros Ghebreyesus ayaa shaaciyay in uusan awoodin inuu lacag u diro qaraabadiisa oo cunto-la’aan ay ku haysato gobolka ay colaaddu ka taagan tahay ee Tigray ee dalka Itoobiya.

“Qaraabo badan ayaan halkaas ku leeyahay. Waxaan doonayaa in aan lacag u diro, umana diri karo,” ayuu ka yiri shir jaraa’id.

“Xitaa kama war hayo qofkooda dhintay ama nool,” ayuu sii raaciyay.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday sanadkii 2020, gobolku wuxuu ka go’doonsanaa dunida inteeda kale, mana lahayn adeeg koronto iyo telefoon.

Waxaan sidoo kale la heli karin adeegyada internet-ka iyo bankiyada

Dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inay xannibaad ku soo rogtay howlaha gargaarka ee gobolka, taas oo dib u dhigtay in la gaarsiiyo meelaha aadka looga baahan yahay – arrintaas waxay iyaduna ku eedeysay dagaalka.

Tobannaan kun oo rayid ah ayaa lagu dilay, malaayiin kalena waxay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo cunto. Hay’adda Cuntada Adduunka waxay sheegtay in ku dhowaad kala-bar dadka ku nool Tigray oo gaaraya 5.5 milyan oo qof ay ku suga yihiin xaalad daran oo baahi cunto ah.

Dagaalka ayaa dib u soo cusboonaaday toddobaadkan bilo deggenaan ah kaddib, kuwaas oo daba socday heshiis ay bishii Maarso gaareen ciidanka Tigray iyo dowladda Itoobiya oo oggolaanayay gudbinta gargaarka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Dr Tedros oo ah wasiirkii hore ee caafimaadka Itoobiya uu ka hadlo arrimaha dagaalka. Arbacadii wuxuu sheegay in xaaladda ay ka daran tahay tan ka taagan Ukraine, wuxuuna soo jeediyay in heyb-sooc uu muujinayo farqiga jawaabta caalamka.


“Waxan kuu sheegi karaa in dhibaatada bani’aadannimo ee ka jirta Tigray ay ka badan tahay tan Ukrain, iyadoo aan laga badbadineyn. Waxaan sidaas sheegay bilo badan ka hor, waxaana suurtagal ah in sababta ay tahay midabka maqaarka ee dadka Tigray

Sanadkii 2020 wuxuu beeniyay in eedeyn uu jeneraal Itoobiyaan ah ugu jeediyay inuu gacan ka gaystay hub loo gudbiyay fallaagada Tigray. “Waxaa jiray warar sheegayay in aan la kala saftay dhinacyada. Run ma aha,” ayuu xilligaas ku soo qoray Twitter-ka.

Dadka Tigray ee ku nool meelo kale oo Itoobiya ah ayaa wajahaya dhibaatooyin la mid ah tan Dr Tedros marka ay noqoto la xiriirista qaraabadooda.

Dhaqaaleyahan iyo cilmi-baare lagu magacaabo Kibrom Aba yaya sheegay in lacag u dirista Tigray ay noqotay arrin aad u dhib iyo kharash badan, taas oo uu ku eedeeyay xannibaadda adeegyada dhaqaale ee gobolka.

“Xaqiiqada ah in aanan caawin karin waalidkey oo ku tiirsanaa xawaaladda aan u diro oo aan haysan wax ay cunaan, waa arrin xanuun badan oo dareenkeyga dhaqaajineysa,” ayuu yiri.

Qof ku nool magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa BBC-da u sheegay in ay heleen qof lacagta ku gaarsiin kara Tigray khidmad dhan 20%.

“Qorshuhu wuxuu ahaa inay ku gaarto toddobaad. Muddo bil ka badan ayay qoyskeygu heli kari la’aayeen…Ma aqaanno xaaladda ay hadda ku sugan yihiin. Lama xiriiri karo.”

Dad kale waxaysan xitaa heli karin dallaalliin si ay lacag ugu diraan qoysaskooda. “Lacag ma diri karin sababtoo ay qoyskeyga wuxuu ku nool yahay tuulo fog oo xitaa dallaaliintu aysan rabin inay tagaan. Markii aan Waco, waxay dallaaliintu ii sheegaan in aysan aadi Karin, sababtoo ah ma jiro gaadiid.”

 

Office Nairobi Kenya






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada