Madaxweynaha Lafta-gareen oo safar Deg deg ah ku aaday Itoobiya, xili uu saluugsan yahay xukuumadda cusub.

Madaxweynaha Lafta-gareen oo safar Deg deg ah ku aaday Itoobiya, xili uu saluugsan yahay xukuumadda cusub.

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa safar qarsoodi ahaa ku aaday magaaladda Adis-Ababa ee caasimadda dalka aan badda leheyn ee Itoobiya.

Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ka qaaday diyaarad gaar ah oo Milatari, taasoo soo dirtay dowladda Itoobiya, iyadoo aan si faah faaagsan loo ogeyn ujeedka socdaalkan.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan ay Baydhabo tageen saraakiil sar sare oo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya, iyagoo kala hadlay madaxda Koofur Galbeed dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo sidii xadka loo adkeen lahaa.


Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa saluugsan xubnaha Koofur Galbeed ku metela wasiiradda cusub, waxaana ugu sii daran Mukhtaar Rooboow oo laga dhigay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya, Rooboow iyo Lafta-Gareen waxaa ka dhexeeyay dagaal xooggan oo salka ku haya arrimaha Koofur Galbeed.

 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada