Sababta uu Ruushku isku hortaagay heshiiska xakameynta faafitaanka hubka Niyuukliyeerka?

Sababta uu Ruushku isku hortaagay heshiiska xakameynta faafitaanka hubka Niyuukliyeerka?

daajis.com:- Maraykanku ayaa diidmada uu Ruushku diiday ansixinta heshiiskii qabyo-qoraalka ahaa ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa ku sababeeyay in Ruushku uusan doonayn in uu qirto khatarta weyn ee shucaaca warshadda tamarta Niyuukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in xukuumadda Moscow kaligeed ay go'aansatay in ay xannibto heshiiskii maalintii Jimcihii laga gaaray arrintaasi maadaama aysan jeclaysan qoraalka heshiiskaasi.

191-ka waddan ee horey u saxiixay heshiiska ka hortagga faafinta niyuukliyeerka ayaa shantii sanaba mar dib u eegis ku sameeya heshiiskaasi.

Kaddib muddo bil ah oo shirar socdeen, ayaa dowladda Ruushku waxa ay ku tilmaantay qabyo-qoraalka kama dambaysta ahi ee heshiiskaasi in uu yahay  mid qaab siyaasadeysan loo soo qoray.

Ruushku waxa uu ka soo horjeestay qoraalka qabyada ah isaga oo si gaar ah uga carooday ereyo ay ka mid yihiin "walaac aad u weyn" oo laga qabo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee agagaarka dhismaha Niyuukliyeerka ee Ukraine, gaar ahaan Zaporizhzhia.


Sidoo kale qoraalkaasi waxaa ku jiray qeyb u dhignayd sida tan: "luminta xakamaynta maamulka Ukraine ee awoodda u leh goobahan oo kale, taasi oo ka dhalatay dhaqdhaqaaqyadaasi militariga iyo saameynta xun ee dhanka amniga ah ee arrintaasi ka dhalatay."

Sanadkii 2015 ayaa waddamadii ka qaybgalayay dib-u-eegista heshiiskan waxay sidoo kale ku guuldareysteen in ay ka gaaraan wax heshiis ah.

Shirka sanadkan 2022-ka qabsoomay ayay ahayd in la qabto sanadkii 2020 balse waxaa dib u riday cudurka Covid-19.
Wakiilka Ruushka u fadhiyay shirkaasi, Igor Vishnevetsky, ayaa sheegay in qoraalka heshiiskaasi ugu dambeeyay ee qabyada ahi uu ahaa mid aan "isu-dheelitirnayn".

Heshiiska kama dambaysta ahi ayay tahay in ay wada oggolaadaan dhammaan waddamada shirka jooga. Wadamo dhowr ah oo ay ku jiraan Holland iyo Shiinaha ayaa rajo xumo ka muujiyay heshiis la’aanta ay arrintaasi ku soo idlaatay.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa warshadda Zaporizhzhia waxaa si ku-meel-gaar ah looga gooyay korontada, taasi oo sare u qaadaysa suurtagalnimada cabsida laga qabo in masiibo dhanka shucaac ah ay halkaasi ka dhacdo.

Ciidamada Ruushka ayaa horraantii bishii Maarso la wareegay warshaddani Niyuukliyeerka ee ugu weyn qaarada Yurub, balse waxaa weli gacanta ku haya shaqaale u dhashay dalka Ukraine oo xaalad adag ku shaqeynaya.

Khubaro ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Niyuuukliyeerka ee magaceeda loo soo gaabiyo IAEA ayaa la filayaa in ay warshaddaasi booqdaan maalmaha soo socda, si ay u kormeeraan xarumaha halkaasi ku yaalla.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli Ukraine iyo Ruushka ay mar kale midba midka kale ku eedeeynayo in uu duqeymo ka geystay magaalada Enerhodar - oo magaalo u ah warshadda tamarta Niyuukliyeerka ee Zaporizhzhia.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo dhowr ah ay dhaceen isla markaana uu dab ka kacay agagaarka dhismayaal dabaqyo ah oo halkaasi ku yiilay.

Warshadaasi Niyuukliyeerka iyo magaaladuba waxaa maamulo oo gacanta ku haya ciidammada dalka Ruushka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada