Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka J&J ee COVID-19

Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka J&J ee COVID-19

daajis.com:- Dawladda Soomaaliya ayaa la gaadhsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID 19 ayaa gaadhaya illaa 2.3 million oo qof, halka in kabadan 1.9 million oo qof ay qaateen qayb ka mida tallaalka.

Warsaxaafadeed lagu baahiyey bogga internetka ee hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo ka hadlayey munaasibadda lagula wareegayey tallaalkan uu u mahadceliyey dalalkii ku deeqay tallaalkan.

“Waxaan jeclaan lahayn inaan u mahadcelinno Dawladaha Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech oo gacan naga siisay inaan Soomaalida ka ilaalinno xanuunka COVID-19. Tallaalada aan helnay waxay runtii badbaadinayaan nolosha dad badan” ayuu yidhi wasiirka caafimaadku.

Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey, inay tallaalkan heleen xilli aad u muhiim ah, maadaama ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u daran oo sababtay barakac xooggan, waxaana taasi ay keenaysaa in dadka danyarta ahi u nuglaadaan in xanuunadu ay ku dhici karaan.

Xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa haatan qarka u saaran inay isu rogto macaluul baahsan, waxaana haatan ay abaaruhu saameeyeen illaa 7.7 million oo qof, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah, halka illaa 1 million oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu hanweynahay in Sweden ay mar kale muujisay sida ay u garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed si ay ula dagaallamaan masiibada Covid-19. Tallaalka gaadhaya illaa 1,360,800 ee ay ku deeqday dawladda Sweden ayaa gacan ka geysanaya in bulsho badan oo Soomaali ah la tallaalo.” Ayuu yidhi Safiirka Sweden ee Soomaaliya, Mudane Per Lindgärde.

Dr Mamunur Rahman Malik, oo ah Wakiilka WHO ee Soomaaliya ayaa yidhi, “Guud ahaan shacabka Soomaaliya illaa 15% ayaa si buuxda looga tallaalay COVID-19, halka illaa 12% oo ka mida shacabka Soomaaliya ay qaateen qayb ka mid ah tallaalka. Iyada oo ay si wada jira isu kaashanayaan, xukuumadda, deeqbixiyayaasha iyo daneeyayaasha kaleba, waxaan isticmaalnay habab hal-abuur leh oo saameyn leh si aan u gaadhno dadka aadka u nugul, looga hortago faafitaanka COVID-19" ayuu yidhi.


Dr. Mamunur ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay u qorshaysan tahay in la tallaalo ugu yaraan 40% shacabka Soomaaliya marka la gaadho dhammaadka sannadkan.

UNICEF






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada