Madaxda DFS iyo maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmayo magaalada Muqdisho.

Madaxda DFS iyo maamul goboleedyada oo maanta shir uga furmayo magaalada Muqdisho.

daajis.com:- Shirka madasha wadatashiga Qaran oo ay isugu imanayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa maanta ka furmaya xarunta madaxtooyada ee Villa Soomalaiya.

Madaxweynayaasha maamulada Jubaland,Hirshabelle,Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa caasimadda ku sugan, iyagoo shalay u yimid ka qeyb galka shirkan, halka Siciid Deni uu shirka uga qeyb gali doono Aalada Fogaan-araga, taas oo ay qaar kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada saluug ka muujiyeen.

Madaxda dawlad gobaleedyada iyo dawladda faderaalka ayaa wada hadaladooda ku wajahan xaaladdaha Amniga, dhaqaalaha & Siyaasada ay hareyn doonaan doodo xoog badan oo ku aadan sida ay dhinacyadu isku qaadan karaan, xili uu jiro kala aragti duwnaaan xoog leh.

Shirka oo laba cisho ah ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo maalinimada beri ah, iyadoo 13-ka bishana uu madaxweynaha ku wajahan yahay dalka Kenya, si uu uga qeyb galo caleema saarka madaxweyne William Rutto.


Lama oga sida ay dhinacyadan shireysa heshiis uga gaari karaan arrimaha ugua dag ee horyaala shirka ee ah arrinta qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku heshiin waayeen wasiirka maaliyada Soomaaliya iyo wasiirada maaliyada dowlad goboleedyada oo maalmahan oo dhan Muqdisho ku shirsanaa.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada