Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga oo gaaray Israa'iil

Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga oo gaaray Israa'iil

daajis.com:- Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku soo xirtay Israel, taas oo ah imaanshihii ugu horeysay ee markan noocaan ah muddo toban sano ka badan, iyadoo xiriirka xulafada Mareykanka uu soo hagaagayo kadib markii khilaaf xooggan oo la xiriira qadiyadda Falastiin uu ka dhex aloosmay.

Markabka Kemalreis ayaa kusoo xirtay dekedda Haifa Sabtidii isagoo qeyb ka ah dhaqdhaqaaqyada NATO ee badda Mediterranean-ka, sida uu sheegay sarkaal Turki ah.

Sarkaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in Ankara ay u gudbisay codsi horudhac ah oo ku aaddan in shaqaalaha markabka inay kasoo degaan xeebta.

Mas’uul ka tirsan dekedda Haifa ayaa sheegay inay tahay markii ugu horreysay oo markab ay leeyihiin ciidamada badda Turkiga uu kusoo xirto tan iyo 2010, markaas oo xiriirka laba geesoodka ah uu burburay kadib markii Israa’iil ay weerartay kolonyo gargaar ah oo Falastiiniyiin ah oo isku dayay inay jebiyaan go’doominta Marinka Gaza.

Toban qof oo Turki ah ayay ciidamada badda Israa'iil ku dileen dhacdadaas.


Labadan dal ayaa u jiheystay inay hagaajiyaan xiriirkooda bilihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa inay dhawaann soo magacaabaan safiiro cusub.

Reutes.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada