Taliyihii booliska gobolka Benaadir Farxaan Qaroole oo qarax miino lagu dilay

Taliyihii booliska gobolka Benaadir Farxaan Qaroole oo qarax miino lagu dilay

daajis.com:- Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni.

Allah ha u naxariistee taliye Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay halka lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha, isaga oo ku istaagay miino dhulka la galiyay.

Qaraxa kahor ayuu Farxaan Qaroole ka degay gaarigiisa oo ahaa nooca aysan xabbaddu karin, isaga oo dhiirragalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan. Farxaan Qaroole waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaca kale goor dhaweyd sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa labadaba xaqiijiyay Geerida Faraxaan.


Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka Taleefanka Muqdisho kula xiriiray Afhayeenka Booliska Ciidanka Soomaaliyeed Sadiiq Doodishe.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada