Doorashada Israel: Netanyahu oo helay aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad

Doorashada Israel: Netanyahu oo helay aqlabiyad uu ku soo dhisi karo xukuumad

daajis.com:- Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Israel Benjamin Netanyahu ayaa helay codad ku filan oo uu ku soo dhisi karo xukuumad, ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalkaas. Ra'iisal wasaaraha haatan xilka haya ee Yair Lapid ayaa ku dhawaaqay in laga guulaystay.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Lapid uu hambalyeeyey ra’iisal wasaare Netanyahu, isaga oo shaqaalaha xafiiskiisana faray inay diyaariyaan xil wareejinta.

“Danta Israel ayaa ka horraysa, aragti kasta oo siyaasadeed” sidaas waxaa yidhi Lapid, wuxuuna hadalkiisa ku sii daray “Guul ayaan u rajaynayaa Netanyahu”.

Lapid oo afartii bilood ee ugu dambaysay ahaa ra’iisal wasaare ku meel gaadh ah, ayaa qoraalkan soo saaray, ka dib markii ay gebagebo ku dhowayd tirinta codadka, taas oo muujisay in Netanyahu uu helay codad ku filan oo ah aqlabiyadda baarlamaanka. Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo khamiista dambe.

Netanyahu ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo xukuumaddii dhinaca midig u janjeedhay ee ugu ad-adkayd taariikhda Israel.

AP






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada