Saddex muwaadin oo Maraykan ah ayaa lagu soo oogay inay maalgelinayeen fallaagada Cameroon

Saddex muwaadin oo Maraykan ah ayaa lagu soo oogay inay maalgelinayeen fallaagada Cameroon

daajis.com:- Dakar - Saddex muwaadin oo haysta dhalashada dalka Maraykanka, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Cameroon ayaa xabsiga la dhigay iyada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha inay dhaqaale u ururiyeen dagaalyahannada gooni-u-goosadka ah ee ku sugan waddanka Afrikada Dhexe, sida ay shaacisay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku.

Sannadkii 2017, ayaa dagaalyahanno ka soo jeeda labada gobol ee kuyaalla Cameroon ee lagaga hadlo luuqadda Ingiriisida ay bilaabeen inay la dagaalamaan milateriga dalkaas, iyaga oo doonaya inay dalkaas ka go’aan, kuna dhawaaqaan maamul ay ku magcaabeen Ambazonia. Xiisadda colaadeed ee ka dhalatay kacdoonkaas ayaa sababtay inay dhintaan kumanaan qof.

Saddexda qof ee haatan la xidhay ee dacwadaha lagu soo oogayo ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Claude Chi, oo 40 jir ah, kana soo jeeda gobolka Missouri ee Maraykanka; Francis Chenyi, 49 oo ka soo jeeda gobolka Minnesota; iyo Lah Nestor Langmi, 46 oo isna ka soo jeeda gobolka New York.


Waxaa lagu eedeeyay in ay dalbadeen oo ay u uruuriyeen lacag loogu talagalay in lagu isticmaalo saadka, hubka iyo walxaha qarxa si loogu adeegsado weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha dowladda Cameroon iyo ciidamada ammaanka, ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka.

Nimankan ayaa ururiyey lacag xaddigeedu dhan yahay illaa $350,000. Eedaha loosoo jeediyey ayay ku jiraan kuwo la xidhiidha inay gacan ka geysteen tallaabooyin lagu afduubayo shaqaale rayid ah oo u shaqeeya dawladda Cameroon iyo in qaarkood madaxfurasho loo qabsado.

Reuters






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada