Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan?

Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan?

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Sacaduudi Carabiya ayaa la kulmay Ra'isul Wasaaraha Sacuudiga, ahna dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadaleen 'iskashiga iyo xoojinta' xiriirka labada dal.

'Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada kulankaas kadib.

Bayaanka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu "uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka."


Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan ay sidoo kale ka hadleen 'xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya."






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada