Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Shabaab ku dhaawacmay qarax uu aasay

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Shabaab ku dhaawacmay qarax uu aasay

daajis.com:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun xabsi daa’in ah ku ridday Cabdillaahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo loo soo xeray 3-dii June 2022, laguna helay dambi ah inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Cabdillaahi uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qaybta qaraxyada, uuna 7 miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu yiri “Waxa uu Al-Shabaab ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.”


Cabdillaahi ayaa sida ay Maxkamadda sheegtay uu dhaawac kasoo gaaray qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole kadib markii uu isku dayay inuu ka bixiyo markii uu waayay cid soo marta, uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Cabdillaahi ayaa racfaan ka qaadan kara xukunka xabsi daa’inka ah ee lagu riday.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada