Midowga Afrika oo sheegtay doorka uu ku lahaa qabashada degmada Aadan Yabaal.

Midowga Afrika oo sheegtay doorka uu ku lahaa qabashada degmada Aadan Yabaal.

daajis.com:- Midiwga Afrika ayaa war ka soo saaray talaabada ay shalay ciidmadda dowladda oo garab ka helaya maleeshiyada deegaanka ku qabsadeen degmada Aadan Yabaal oo eheyd saldhigga ugu weyn Shabaab ee gobolka Sh.Dhexe.

Taliyaha Kumeel gaarka ah ee ATMIS Sarreeyo Guuto Keith Katungi ayaa sheegay iney aad usoo dhaweynayaan qabashada degmadan, isagoo ku amaanay ciidanka dowladda dhabar adeyga ay u muujinayaan iney shacabka ka dulqaadaan kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa inuu kala shaqeeyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in amni iyo xasilooni kusoo dabaalaan dalkooda” ayuu yiri taliyaha.

Sarreeyo Guuto Keith Katungi ayaa ku faanay in doorkooda qabashada degmada Aadan Yabaal ay eheyd iney duqeymo dhanka cirka ah la beegsadaan Shabaab, sidoo kalena ay diyaarado kusoo daad gureeyaan dhaawacyada ciidanka dowladda si magaalada Muqdisho loo keeno.


Si kastaba, la wareegidda degmada Istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ayaa loo arki karaa inay tahay bilowga dhammaadka Al-Shabaab ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada