Militariga Mareykanka oo 'dilay 15' ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

Militariga Mareykanka oo 'dilay 15' ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

daajis.com:- Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqaymood lala beegsaday maleeshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan Diisambar, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada