Nin ku eedeysnaa weerarkii Garoonka Aadan Cadde oo toogasho lagu xukumay

Nin ku eedeysnaa weerarkii Garoonka Aadan Cadde oo toogasho lagu xukumay

daajis.com:- Maxkamadda drajada kowaad ee ciidamada ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ku eedeysnaa inuu fududeeyay weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u sheegay xukunka Biyamaalow.

Biyamaaloow ayaa 'ka dambeeyay weerarkii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee dhacay 23-kii March Sanadkan" ayay qortay warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay booliisku u sheegeen idaacadda VOA, waxaana ka mid ahaa Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka tirsanaa Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad, sida ay sheegtay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada