Morocco vs France: Calanka Morocco ma kasii baban doonaa Koobka Adduunka?

Morocco vs France: Calanka Morocco ma kasii baban doonaa Koobka Adduunka?

daajis.com:-  Calamada, funaanadaha xulka qaranka iyo boorarka ay ku xardhan yihiin ciyaartooyda ayaa si buuxda loogu soo bandhigay magaalooyinka waddanka Morocco, gaar ahaan Rabat, kahor kulanka Morocco ay semi-finalka Koobka Aduunka maanta la ciyaareyso xulka Faransiiska.

Morocco ayaa heli doonaanta taageero aad u fog, maadaama oo noqotay xulkii ugu horeeyay ee Carab ama Afrikan ah ee gaara halka ay maanta joogaan ee Semi-finals-ka.

Waddamada Carabta ayay si gaar ah u soo jiidatay ka faa'iideysiga Morocco ee Koobka Adduunka, maadaama Koobkani yahay kii ugu horreeyay ee lagu qabto dhul Carbeed.

Morocco ayaa dhaaftay heerkii laga filaayay kadib markii ay garaacday xulal aad u sareeya oo Yurub ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Belgium oo ay isku qeyb ahaayeen, iyo Spain iyo Portugal oo u soo baxay wareegga 16ka.

Calanka Morocco ayaa sidoo kale lagu iibinayaa Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, iyadoo taageerayaashu u kala ordayaan waxyaabo xusuus-reeb leh, si ay u faxad geliyaan xulka Morocco.

"Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo calamada Morocco, sababtoo ah waa waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee u soo baxa semi-finalka" ayuu yiri Karim Mohammed Qotb, oo calamada ku iibiya waddooyinka magaalada Qaahira ee waddanka Masar.

Marinka Qaza, Eyad Abu Teir wuxuu dibadda uga soo dukaamaysanayay midabada Morocco. “Guusha Morocco waa guul u soo hoyatay guud ahaan umadda Carabta, haddii aan nahay Carab, waa in aan ka wada qayb qaadanaa,” ayuu yiri.


“Waxaan rajaynaynaa inay garaacaan Faransiiska oo ay koobka qaadaan, Morocco waa Carab iyo Afrikaan, Carabta iyo Muslimiinta oo dhan waxay ugu duceynayaan Morocco inay badiso" ayuu yiri Mohammed al-Andaz oo jooga Liibiya.

Reuters.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada