Daawo: CAWAD oo shaaciyay arrin uu Deni ka damacsan yahay PUNTLAND

Daawo: CAWAD oo shaaciyay arrin uu Deni ka damacsan yahay PUNTLAND

daajis.com:- Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan ka mid ah xubnaha isbeddalka doonka ah ee kasoo horjeedo madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaas, gaar ahaan doorashada.

Cawad oo u warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in ay ka walaacsan yihiin doorashada soo socoto, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweyne Saciid Deni.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in aysan illaa iyo hadda kala cadeyn doorashada kusoo foodka leh Puntland, maadaama uu mugdi badan ka jiro dhinaca tartanka la geli doono.

“Maamulku ma wado doorashadii la yaqiinay, wuxuu soo jeedinayaa ama uu olole ugu jiraa doorasho aysan caddeyn halka ay u socoto oo ururo siyaasadeedka Puntland ay isku khilaafsan yihiin qaabka ay u dhaceyso” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Deni uu doonayo inuu sameyso muddo kororsi ama inuu boobo doorashada, sida uu ku dooday wasiir Axmed Ciise Cawad.

“Waxgaradka iyo siyaasiyiinta oo aan annigu ka mid ahay waxaan tuhmeynaa in aysan doorashada aheyn mid hufan waxa ay u egthay mid ujeedooyinka laga leeyahay laba midkood ay tahay in waqti kororsi maamulka jiraa uu sameysto ama inay u dhacdo si afduubid ah, sida hadda kahor maamulkan looga bartay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka maamulka Puntland.

“Annaga waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda.

Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada