Sawirro: Madaxweynaha Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka amniga qaranka oo looga hadlay afar qodob

Sawirro: Madaxweynaha Xasan Sheekh oo shir guddoomiyey kulanka amniga qaranka oo looga hadlay afar qodob

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaranka.

Shirkaas ayaa looga hadlay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho oo si gaar ah loogu gorfeeyey shirkaan.

Sidoo kale madaxda amniga qaranka waxay shirkaan uga hadleen dib u dhiska ciidamada qaranka oo hadda meel fiican soo gaartay.

Arrimaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada iyo qorshaha Soomaaliya.

Sidoo kale masuuliyiinta amniga qaranka Soomaaliya waxay shirkaan uga tashanayeen nooca warbixinta la hor geynayo shir ay dhawaan dowladda Soomaaliya la yeelan doonto Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

Shirkaas waxaa looga hadlayaa amniga Soomaaliya, gaar ahaan hanaanka ay dowladda Soomaaliya ula wareegeyso amniga qaranka.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ku ammaanay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula shaqeynayaan laamaha amniga.

Sidoo kale waxaa lagu dhiirrigeliyey Ciidanka Booliska ee u tababaran sida Milatariga dadaalka habeen iyo maalinta ah ee ay u bixinayaan amniga caasimadda.

Guddiga Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.


Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka oo horseedaya in laga sifeeyo Khawaarijta deegaannada ay kaga harsan yihiin Hirshabeelle iyo Galmudug.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada