Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo ku xukuntay saddex dhalinyaro ah dil toogaasho.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland oo ku xukuntay saddex dhalinyaro ah dil toogaasho.


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland   ayaa  maanta xukuntay dil toogasho ah saddex dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyey  in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.
Dhalinyaradan la xukumay ayaa da’adoodu aysan gaareyn labaatan sano waxaana ku dhowaaqay xukunka maxkamada Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan isagoo u cuskaday xukunkana  qiraal uu sheegay in ay sameeyeen dhalinyarada iyo warbixinta xeer ilaaliyaha.
Saddexdan ruux ee maxkamadu xukuntay ayaa waxa ay kala yihiin  Aadan Maxamed Nuur oo  19-jir ah, Cabdirisaaq Axmed Sheekh oo  18-jir ah iyo Cali  Maxamuud Cilmi  da’adiisa lagu sheegay 19 jir.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa waxa ay muddo toddobaad gudihiis ah ku xukuntay xukuno dil toogasho ah illaa 17 ruux oo mid ka mid ah tahay haween.
Hase ahaatee illaa iyo hadda lama shaacin xilliga dadkan la xukumay lagu fulinayo xukunadooda.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada