Sirdoonka Dawlada Somaaliya oo ku yaacay Isbitaalada Muqdisho iyo War loo soo sheegay oo been noqday (Top News) !!

Sirdoonka Dawlada Somaaliya oo ku yaacay Isbitaalada Muqdisho iyo War loo soo sheegay oo been noqday (Top News) !!

daajis.com:-Ciidamo ka tirsan hay´ada nabad sugida Dawlada ayaa xalay ilaa saaka waabarigii waxa ay baaris hoose iyo Koontarool kula dhaqaaqeen Dhaawacyo yaalay Isbitaalada magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii shalay laga keenay gudaha iyo nawaaxiga Maxkamada gobolka Banaadir.

Ciidamadaan ayaa lagu soo war galiyay in qaar ka tirsan Dhaawacyadii ciidamada Dawlada ee Isbitaalada loo qaaday lagu dhex daray amaba ay ku dhex dhuunteen dhaawacyo Maleeshiyaadkii Shabaab ka tirsan oo ka gaari waayay in ay is qarxiyaan. 

Ciidamada hay´ada nabad sugida Dawlada oo hooshooda gudanaya ayaa hal hal u soo baaray Dhawaacyadii la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho balse ma jirin wax Maleeshiyaad Shabaab ah oo ay soo arkeen marka laga reebo ciidamada Dawlada oo aad loo wada garanayay kuna soo dhaawacmay weerarkii gaadmada ahaa ee ururka Al Shabaab uu ku qaaday Maxkamada sare .

Maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Maxkamada gobolka Banaadir oo ku labisnaa Dareeska ciidamada Dawlada ayaa la xaqiijiyay in ay dhamaantood Rimuutka gacanta ku heeysteen kuwaas oo markii ay Rasaasta ka dhamaatay is wada qarxiyay si aanan nolol loogu qaban waxeeyna ka koobnaayeen 9-ruux .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada