Somaliland oo lagu eedeeyay in ay hubka iyo saanada Milatari ku taageerto Shabaabka ku sugan Gobolka ..

Somaliland oo lagu eedeeyay in ay hubka iyo saanada Milatari ku taageerto Shabaabka ku sugan Gobolka ..

daajis.com:-Madaxweynaha maamulka Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa waxa uu ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay ku hubeeyaan kooxda Shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Gal-gala ee gobalka Bari.


“Somaliland waxa ay fududeeyaan dariiq hubka, saanada iyo wax kasta oo ay u baahanyihiin loo marsiiyo kooxda Shabaab ee ku sugan gobalka Bari gaar ahaan Buuraha Galgalo, Intaas oo dhan waxa ay u sameynayaan in fowdadu kasii socoto maamulkeenna halka uu ka taliyo” ayuu yiri Madaxweyne Faroole. 

Eedeynta Cabdi raxmaan Faroole ayaa waxa ay imaneysaa iyada oo Puntiland iyo Somaliland horay loogu jeediyay eedeymo isku mid ah oo la xariira in hub iyo saanad milatari ee keenaan doonyo ka yimaada dhanka yemen uga soo dejiyaan Shababka koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya kusugan.

Eedyntaan cusub wali maamulka Somaliland kama jawaabin,lamana oga fal celinta ay ka bixin doonaan , waxaana la filayaa in masuuliyiinta Soomaaliland war kasoo saaraan eedeyntan culus uu u jeediyay Madaxweyne Faroole.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada