Isku shaandeyn lagu sameenayo qaar kamid ah Saraakiisha Booliiska iyo qaar Xilalkooda weyn doona(Xog Hoose)

Isku shaandeyn lagu sameenayo qaar kamid ah Saraakiisha Booliiska iyo qaar Xilalkooda weyn doona(Xog Hoose)

daajis.com:-Shabakada daajis.com ayaa heshay xog hoose oo ku aadan in Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliska Booliiska Qorsheenayaan in isku shaandheyn lagu sameeyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir.

Isku shaandheyntan ayaa la tilmaamay in ee saameyn doonto qeybo badan uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Col.Maalin oo xilka laga qaadayo loona dhiibayo xil kale oon wali la cayimin .

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in la qorsheenayo in Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir loo magacaabo Sargaal magaciisa aan ku helnay Madaale ,waxaa kale jira in iyana xilkii laga qaadayo Cabdulaahi Xasan Bariise oo hada ah Afhayeenka Booliiska iyo Taliyaha Hay’ada Dambi baarista CID-da , Bariise ayaa isna la qorsheeyay in Booliiska uu kasii dhax shaqeeyo jago kalana loo dhiibi doono oo ka duwan tan uu hada ku magacaaban yahay.

Taliyaha Booliiska Qeybta Waliyow Cadde ayaa isna xilkiisa weyn doono waxaana lagu badali doono sargaal kale oo katirsan Booliiska Soomaaliya sida aan ku heleyno Xogaha Hoose ee soo baxaya.

Waxaa sidoo kale iyana isbadal lagu sameyn doonaa Taliyaasha Booliiska Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo qaarkood xilalkooda weyn doona halka kuwa kalana isku shaan dheyn lagu sameyn doono.

Horay waxaa u jiray in qaar kamid ah taliyaasha Saldhigayda degmooyinka gobalka Banaadir lebdelay iyada oo aan lashaacin, waxaana kamid ah Sal-dhigyada War-dhiigley iyo Deyniille.

Isku shaandheynta lagu sameenayo Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ee soo baxdo dhawaan , Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Durbo la diyaariyay Qorshihii isbadalkaasi dhawaana la filayo in la shaaciyo.

Arimahan ayaa imaanaya xili Amaanka Magaalada Muqdisho wax xoogaa maalmahan uu ka jiro dabacsanaan ayna ka dhaceen Magaalada Qarxayo Xoogan oo sababay dhimashada Dad badan oo Shacab ah iyo Masuuliyiin Dowlada katirsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada