Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Shaki geliyay halka Shabaab ay salka ku hayaan iyo kooxaha ay u adeegaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Shaki geliyay halka Shabaab ay salka ku hayaan iyo kooxaha ay u adeegaan.

daajis.com:-Afhayeenka Hay'ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, ayaa waxa uu dul istaagay oo uu ku dheeraaday in saraakiisha ugu sareysa Shabaabka ay yihiin rag gaalo soo tabartay oo loo soo diray dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol Muslimka ah.

“Shaki kuma jiro in Kooxda hogaamisa Shabaab ay Gaalo soo tababartay oo lagu soo amray in ay shacabka Soomaaliyeed laayaan iyaga oo diin sheeganaaya si diinta looga cararo oo cid waliba uu isku tiraahdo hadiiba diintu sidaan tahay oo leesku qalaayo waan ka laabtay”, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa shakigaasi geliyay hadafka kooxda Shabaab. 

Sheekhu si cad uma sheegin Gaalada uu filayo in ay ku adeeganayaan Shabaabka halka ay asal ahaan ay kasoo jeedaan.

Shabaab ayaa waxa ay sheegaan in ay Allaah ugu dhawaanayaan dadka ay leynayaan oo ay ku jiraan culimadii diinta dadka bari jirtay, waxa uuna Gurxan Sheegay in ay lamid yihiin Khawaarijtii leyn jirtay Asaxaabadii iyaga oo nool loogu bishaareeyay in ay Janada gelayaan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxa uu ku nuux nuux-saday in Fahamka qaloocan uu ka daranyahay banba si xun u qaraxday oo kii dhigayay haleeshay maadaama Fikirku hadii uu qaldamo wax badan oo qaldan lagu fulinayo, waxa uuna si cad ugu dhawaaqay in Shabaab fikir qaldan uu maanka uga buuxo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada