Real Madrid Oo Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Ka Dooneysa Kooxaha Juventus Iyo PSG .

Real Madrid Oo Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Ka Dooneysa Kooxaha Juventus Iyo PSG .

daajis.com:-Sida laga soo xiganayo shabakada Euro Sport ee dalka Faransiiska kooxda Real Madrid ayay ka go`an tahay in ay la soo hishiiyaan xiddiga qadka dhexe ee kooxda Juventus Poul Bogba iyo xiddiga kale ee PSG Blaise Matuidi iyadoo labada laacib ay ka ciyaaraan qadka dhexe .

Kaliya labadaas laacib ma ah ee sidoo kale waxa ay horyaalka Talyaaniga ka doonayaan xiddiga kooxda AC Milan ee Mbaye Niang si ay ugu xoojiyaan qadka weerarka xilli ciyaareedka dambe .


Sida lagu sheegay warbixintaan madaxa Real Madrid ayaa laba maalin ka hor la kulmay aabaha dhalay Bogba si uu wiilkiisa ugu dhaadhiciyo in marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado uu u soo wareego kooxda Madrid.



Waxaana la xusayaa in laacibka PSG ee Blaise Matuidi uu yahay doorashada labaad ee Real haddii ay ku guul dareystaan xiddiga Juve ee Bogba.

Waxa xusid mudan in labadaas laacib ee u dhashay dallka Faransiiska in ay si weyn uga dhex muuqdaan kooxaha ay u ciyaaraan taas oo keentay in kooxaha waa weyn ee qaaradda Yurub ay soo jiitaan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada