FAAH FAAHIN QARAXYADII KA DHACAY BOSTON FIIRSO SAWIRO BADAN OO LAGA SOO QAADAY.

FAAH FAAHIN QARAXYADII KA DHACAY BOSTON FIIRSO SAWIRO BADAN OO LAGA SOO QAADAY.

daajis.com:-Labo qarax oo xoog badan oo ka dhacay halka uu ku dhammaado orodka dheer ee Marathonka ee magaalada Boston ayaa waxaa ku dhintay saddex qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 140 qof.

Qaraxyadu waxay dhaceen ilbiriqsiyo gudahood, iyadoo boqollaal orodyahanno ah uu tartanku gebagebo u marayay, dad badanna ay u sacbinayeen.

Sawirro television ayaa muujiyay qas halkaas ka dhacay iyadoo dadku ay dhex cararayeen daruuro qiiq ah si ay dhaawaca ugu gargaaraan, iyadoo orodyahanno jahawareersan ay weli orodka ku jireen.

Dadkii daawanayay qaarkood oo dhaawac ah ayaa kuraasta dadka naafada ah lagula cararay iyadoo qaar badan oo ka mid ah uu dhiig qariyay.

Madaxweyne Barak Obama ayaa markiiba ummadda Maraykanka kala hadlay qaraxyada ka dhacay orodka marathon-ka ee magaalada Boston, waxaana uu sheegay in ay baarayaan waxa dhacay, ciddii ka dambeysayna ay heli doonaan oo ay caddaaladda hor keeni doonaan.

FBI ayaa la wareegtay hoggaanka baaritaanka qaraxyadan ka dhacay magaalada Boston.






















_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada