Fariimo Jaceyl :Jaceylku Waa Dareen Macaan Marka Uu Bilow Yahay Balse ….

Fariimo Jaceyl :Jaceylku Waa Dareen Macaan Marka Uu Bilow Yahay Balse ….

daajis.com:-*Jaceylku waa dareen macaan marka uu bilow yahay,wuxuuse ka sii macaan badan yahay marka uu aasaaskiisu daacadnimo ku dhisan yahay.
Qofna kama daalo inuu wax jeclaado ama la jeclaado,haseyeeshee, beenta badan iyo cudurdaaryada xad dhaafka ah waa lagu daalaa laguna kala lumaa ilaa heer uu dhamaado ixtiraamkii leysku haayey.
Lamaanayaasha isku cusub waxey ku dadaalaan sidii ay isugu muujin lahaayeen iney yihiin dad ka mideysan meelo badan oo ka mid ah aragtidooda ku aadan jaceylka iyo noloshaba,haseyeeshee arintaas ma’ahan mid sax ah waana beenta ugu horeeya ay isku sheegaan shaqsiyaadkaas. wax dhibaato ah ma lahan hadii aad si ka duwan sida uu gacaliyaahaga wax u arko hadii aad qabto, si qalbi furan u horgeey qofkaad wada socotiin waxa aad qabto hana noqon mid marwalba la yimaada halku dhiga ah aniguba sidoo kale.
Waxaad tahay inaad ku faanto waxey kaa dhigtaa qof la aamini karo oo la ixtiraamo, marka aad matasho shaqsiyad aadan laheyna waxey kaa dhigtaa beenaale aan weji laheyn xiriirada beenta lagu dhisana waxey ku burburaan si dhaqso leh.

Dadku waxey yiraahdaa jaceylka runta ah waa loo dagaalamaa si aad u kasbato,balse marwalbo lama helo midka aad ku taameysay,laga yaabee maalmaha ugu horeeyo ee xiisaha jiro in laguugu indho sarcaadiyo ereyo qalbiyada guba mudo kadib waxaad aragtaa shaqsiyada dhabta ah ee uu leeyahay qofkii aad aamintay.
Waa xaqiiqo in runtu xanuun leedahay mararka qaar, laakin waxey kun jeer dhaantaa inaad ku noolaan laheyd been aan raad laheyn, kugu filan waqtigii uu kaa lumiyey iyo fursadii dahabiga aheyd aad siisay adigoon aan ka fiirsan nuuca bini aadam ee u yahay qofkaas.
Jaceyl weligiis ma guuldareysto ee dadka isjecel ayaa ku guuldareysta iney ilaaliyaan balamada iyo heshiiskii ay wada galeen waxeyna ku hareen iney is aaminaan.in yar oo been ah oo kashifanta waxey abuurtaa shaki badan.
Jaceylka dhabta ah waa kan ka soo go’a qalbiga ee ma ahan kan carabka uun lagu xuso,wuxuu u baahan yahay dareen naxariis ka buuxdo oo leys dhaafsado, mana ahan mid aad go’aankeeda leedahay shaqsiga aad jeclaaneyso, waayo waxaa laga yaabaa adigoon fileyn inuu ku soo gaado iyo weliba qof aadan ku fekereynba.
Ha siin qofkaad aadan rabitaan u heyn fursad yididiilo gelin karto,waayo waxaa u sii hogaamineysaa hami aan jiro iyo marxalad uusan ka soo laaban karin, si qalbi furan ugu sheeg waxa aad ka aaminsan tahay hana u dhisin niyadiisa rajooyin aan socon karin,
Noqo qof daacadnimadu marwalba la weyn tahay waa wadada keliya ee aad uga badbaadi karto inaadan dhaawicin qalbi daacad kuu ah.

Ku feker marwalbo hadii bilowgaagii xiriirkan uu ahaa mid daacadnimo iyo kalsooni ku bilowday si kasta oo waqtigu kuu hagrado waxaad qofkaas horteeda ka ahaaneysaa xusuus lama ilaawaan ah oo lagu faano marwalbo.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada