Maxaad kala socotaa tirada lacagta ee kaga baxday Madaxda Dowlada Fashilinta Mooshinkii laga keenay Xukuumada ?

Maxaad kala socotaa tirada lacagta ee kaga baxday Madaxda Dowlada Fashilinta Mooshinkii laga keenay Xukuumada ?

daajis.com:-Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan wali awood buuxda laheyn ayaa dowlada Kenya iyo Maamulka Puntlnad ku naaloonayeen inay afgambiyaan taasoo la doonaayey in mar kale buuq siyaasadeed uu ka dhax dhasho hogaanka sare ee dowlada taana waxay dhabar jab ku noqotay madaxweyne Xasan Shiikh oo dhaqaalo kobcin ku jiray si loogu maareeyo qeyla dhaanta ka soo yeerayo shaqaalaha dowlada iyo ciidamada qalabka sida oo mushahar la’aan ahaa dhowr bil.


Durba waxaa la bilaabay in maamul xoog ah laga dhiso gobolada Jubooyinka si loo wiiqo dowalda aan awooda badneen ee ku tiirsan quwadaha shisheeya taasi markay bilaabtay ayaa waxaa ka hor yimid dowlada oo u arkeysay in awoodeeda lagu wiiqayo.

Markii ay dareemeen dowlada Kenya iyo Puntland inay dowlada Federaalka fahantay shirqoolka ay maleegayaan ayaa haddana waxay bilabeen in xildhibaanada caada qatayaasha ah loo adeegsado si buuq looga dhax abuuro dowlada dhaxeeda iyadoo tijaabo u aheyd dowlada siday uga hor tagi karto inqilaabka la soo maleegay.

Madaxweyne Xasan Shiikh waagaa ku baryey wuxuuna dareemay in dabinkaan haddaanu dhaqaale u adeegsan ay wiiqmi doonto dowlada aan sanadka gaarin ayna bilaaban doonaan qilaafyadii haraadiiyey dowladihii kMG ahaa.

Ujeedka ay dowlada Kenya iyo Puntland ka leeyihiin ridida dowlada waxey aheyd in la keeno Raiisal wasaare kale oo ku fikir ah dowlada Kenya iyo Puntland si loo meel mariyo danaha siyaasada labadaasi maamul ka leeyihiin Dowlada Federaalka.

Dowlada Xasan Shiikh waxay Bilawday in ay furta qasnada dowlada waxeyna bilwaday kala fur furida xildhibaanada iyadoo adeegsaneysa dhaqaale xoogan waxaana ku dhowaad 60 xildhibaan la siiyey midkiiba 4,000-USD taasoo tirada guud ee lacagta la bixiyey ka dhigeysa 240,000 USD, halka 30, 000 kun la siiyey odayaasha dhaqanka ee beelaha Digil iyo mirifle ee soo xulay xildhibaanada warbaahintana waxay qaateen 10,000 USD haddii la isku wada daro dhamaantoodna waa 280,000- kun USD.

In la badbaadiyo dowlada Saacid waxay dan u aheyd shacabka Soomaliyeed oo lala damacsanaa inqilaab, inkastoo dowlada aysan qaban wax muuqda oo la taaban karo hadana in xiligaan buuq lagu furo waa mid laga wanaagsanaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada