Sababta la iila kaa guursaday waa raashinka oo aan cusbada ku yareeyo

Sababta la iila kaa guursaday waa raashinka oo aan cusbada ku yareeyo

daajis.com:-mararka qaar qofka ku jecel waxa uu kugula dhaqmaa waxyaalo aadan dareemin in uu kuugu naxariisanaayo lagana yaabo inaad ka carooto , kulana dagaasho ama xitaa aad ku kala tagtaan , Qisadaan gaaban ayaan jaceyleystay in aan usoo gudbiyo aqristayaash Shbakada daajis.


Nin ayaa waxa uu qabay xaas aad u wanaagsan isla markaana xad dhaaf u jecel , lakiin waxaa jiray hal dhib oo yar taas ah haweeneyda mar waliba wax ay cusbada ku yareysaa raashinka ninkeedana waxa uu had iyo goor ku canaantaa kula dagaalaa in ay raashinka sidaan ka badasho oo cusbo fiican u yeesho lakiin haweeneyda waxay isku daydaa sidii ay ugu qancin lahayd in uu raashinkan macaan yahay waxna ka qaldaneyn .

Xaalka waxa uu sidaas ahaado ninkii waxa uu bilaaway dhago ku hadal iyo in uu dhahaa “dhamaan haweenkii aan aqaanay way kaa cunto wanaagsan yihiin ” “eber ayaa tahay waxba ma taqaanid iwm ” lakiin xaaskiisa waa ay iskaga adkeystaa wax walbo oo uu macaankeeda ku dhaho .

Qofba tiisa ayaa heesto ninkii aad ayuu ugu xumaaday dhaqanka xaaskiisa ee ah cusbo yareyta raashinka markaas ayuu go’aansaday in uu ugu goodiyo in uu naag kale la guursan doono lakiin xaaskiisa waxba iska aysan badelin .

Mudo kadib waxaa uu keenay alaabtii uu ku aqal geli lahaa oo uu dhigay qol ka mid ah qolalka gurigii ay daganaayeen waxa uuna u diyaarsanaa guur lakiin habeenkii uu xaaska cusub soo guursan lahaa inta uu ku mashquushanaa howlaha arooska ayey inta gashay aqalkii reerka cusub u dhigtay warqad meel guriga ka mid ah oo uu inta badan ninkeeda tagin warqadaas oo ay ugu tala gashay haweeneyda cusub. Hase yeeshee waxaa helay ninkeedii waxayna u qorneyd sidan .

Walaasheyda qaaliga ahey kusoo dhawaaw gurigaaga cusub waxaan jecleystay in aan kuu sheego in laguu soo guursaday raashinka oo aan cusbada ku yareeyo awgeed oo keliya waxaana taa u sameeyaa ninkeyga aan jeclahay awgiis oo xanuunsan lakiin xanuunkiisa waxa uu ku koobnaa oo ogaa aniga iyo takhtarkiisa oo qura waayo waxaana uga qarinay gacaliyaheyga waa qof welwel badan isla markaan murugta xamili karin , si aan dareenkiisa iyo farxadiisa u ilaaliyo ayaan inaan runta u sheego ka jeclaaday in la ila kaa guusado .

Walaasheyda qaaliga ahey waxaan ka rajeynayaa in aad ka dhowri doonto waxwalbo oo dhibaayo anigoo sidoo kale rajeynaa in aad qeyladiisa u dulqaadan doonto isla markaan aad ka qarin doonto sirtan aan kugu qarsaday mar labaad kusoo dhawaw gurigaaga cusub .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada