Dowlada Kenya oo dalka Soomaaliya ku soo celinayso 4000 oo Soomaali ah

Dowlada Kenya oo dalka Soomaaliya ku soo celinayso 4000 oo Soomaali ah

daajis.com:-Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Joseph ole Lenku ayaa sheegay in dalka Kenya ay ka masaafurinayaan afar kun oo ruux oo Soomaali ah oo ku joogay si sharci darro ah wadanka Kenya. 


Joseph ole Lenku oo la hadlay wargeyska standard ayaa sheegay in baaris ay ku sameeyeen Soomaalida ay howlgalka ku qab qabteen ay ku ogaadeen inay ku joogeen dalka si sharci darro ah ayna haatan qorsheynayaan sidii ay dalkoodii dib ugu celin lahaayeen sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray inay hadda ka shaqaynayaan sidii ay dadkaasi dib ugu soo celin lahaayeen dalka.

Wasiirka arrimaha dibada ee Kenya ayaa intaa ku daray in wajiga hore ay 160 ruux ay dalka Soomaaliya dib ugu celin doonaan.

Toddobaadkan ayaa Soomaali badan ay ku qabqabteen magaalada Nairobi waxaana dadkaasi ay haatan ku jiraan oo lagu ilaalinayaa garoonka kubbada cagta ee Kasarani.

Bilihii aynu ka soo gudubnay ayaa Soomaali gaareysa 12000 kana shaqeysanayay boqortoyada Sacudi Carabiya dib loogu soo celiyay dalka Soomaaliya sidoo kale boqolaal Soomaali ah ayaa laga soo daadgureeyay wadanka Koofurta Sudan halkaa oo dagaalo sokeeye ay ka dhaceen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada