48 ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Degaanka u Dhow Lamu

48 ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Degaanka u Dhow Lamu

daajis.com:-Weerar socday saacado badan ayaa lagu qaaday deegaan ka tirsan gobolka xeebta ee dalka kenya.
Wararka ayaa sheegayo inay Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig boolis iyo hoteelo ku yaala magaalada Mpeketoni oo ka tirsan magaalada Lamu.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxda weerarka qaaday inay gubeen dhismayaal ay ka mid yihiin dhowr hoteel.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 48 ruux ay dhinteen.

Dadka deegaanka aya dhankooda sheegay in weerarka oo bilowday xaley fiidkii illaa saaka la maqlayay rasaasta, ayna maydad badan magaalada dhexyaalaan.

haseyeshee, booliska Kenya ayaa sheegay in ku dhowaad 14 qof ay dhinteen, xabaddana hadda ay istaagtay.

Militariga Kenya ayaa sheegay in ay u maleynayaan inay weerarka ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Al-Shabaab waxa ay Kenya ku qaaday weeraro xiriir ah tani iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya seddax sano ka hor, si ay u caawiyaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka Somaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada