Maraykanka :- Soomaaliya waa habaarantahay ama way inkaaran tahay "Sebabtu waa maxey"?

Maraykanka :- Soomaaliya waa habaarantahay ama way inkaaran tahay "Sebabtu waa maxey"?

daajis.com:-Dowladda Maraykanka oo isbadal ku samaysay siyaasadeeda ku wajahan Soomaaliya ayaa sheegtey in joqoraafi ahaan meesha ay ku taalo Soomaaliya ay dhibaato baddan usoo jiidey dalka, laguna tilmaami karo habaar ama inkaar.

Hadalkani waxa uu kasoo baxay Wendy R. Sherman oo ah xoghayaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibada, waxaana lagu soo daabacay bogga wasaaradda, iyadoo laga soo xiganayo hadal ay dhawaan jeedisey.

“Meesha istaraatiijiga ah ee ay Soomaaliya ku taalo ayaa lagu tilmaami karaa mid marna habaar ah marna duco ah” ayay tiri haweeneydani oo sheegtey in dhibaatooyin baddan Soomaaliya ka dhaxashay halka ay ku taalo joqoraafi ahaan.

Waxa kale oo ay sababaysay sababta Maraykanka u danaynayo arrimaha Soomaaliya, waxayna tusaale usoo qaadatay in 130 kun oo Soomaali ah ay muwaadhiniin ka yihiin Maraykanka, waxa ay intaasi ku dartay in siyaasadooda Soomaaliya ay qeyb ka tahay tan guud ee Afrika ka leeyahay Maraykanka.

Waxa ay soo xigatay hadal uu horey u qorey qoraaga Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax, kaasi oo ah in ehelkiisa ay hadda ka hor ku dhiirogaliyeen in aysan jirin meel lagu noqdo xili uu dalka ka qaxay, uuna isaga ka sabro, sidaasi darteedna Maraykanka uu doonayo in rajadii Soomaaliya ay soo noqoto.

Gabadhani waxa ay difaacday doorka wadamada dariska ay ku leeyihiin arrimaha Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u amaantay dowladda Kenya sidii ay u martigalisey qaxootiga, waxayse sheegtey in Kenya looga fadhiyo in ay illaaliso xuquuqda dadka qaxootiga ah.

Illaa iyo $170 malyuun oo doolar ayay sheegtey in Maraykanka ugu yaboohay tabobarka iyo dib u dhiska ciidamadda Soomaaliya, waxayna xustey in ay ku faraxsantahay in dhawaan la meelmariyey xeerka anshaxa ee ciidamada oo dhigaya in qof ka yar 18 sanno uusan ciidan noqon karin, waxa kale oo ay sheegtey in ay ku faraxsantahay in 1500 dumar ah ay haatan ciidamada ka mid yihiin.

Waxa ay sheegtey in ay jiraan ciidamo infantari ah oo si gaar ah u tabobaran oo lagu magacaabo Danab oo Soomaaliya loo sameeyey, kuwaasi oo ka kooban 150 askari, islamarkaasina hawshoodu socoto, looguna talogalay in ay fuliyaan hawlgalo heerkoodu sareeyo.


Waxa ay qirtey in ciidamo yar oo tabobarayaal iyo khubaro militari ah ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtey in kaliya aysan la shaqaynin AMISOM, balse sidoo kale la shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo dowladda Maraykanka si faahfaahsan oga hadasho ku lug lahaanshahooda Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada