Maanta iyo Islii :- Oo Busaaradaysan, Ganacsatii Oo Balaayiin Hantidooda ah Rartay

Maanta iyo Islii :- Oo Busaaradaysan, Ganacsatii Oo Balaayiin Hantidooda ah Rartay

daajis.com:-Kenya Meeshii mar ahaan jirtey suuqa ugu mashquulka baddan ee Bariga Afrika, maanta waa meel busaarad kugu diiranayso, tanina waxa ay dhacaysaa kadib markii ganacsatadii ay lacagahoodii kala baxeen, kuna maalgashadeen wadamo kale sida Uganda, Tanzania, Rwanda iyo waliba Soomaaliya.

Markani waxa cabanaya ee barooranaya ma ahan Soomaalida, ee waa muwaadhiniinta Kenyanka ah ee aanan Soomaalida ahayd, kuwaasi oo muddo yar gudahood lumiyey kumanaan shaqo.

Mid ka mid ah agaasimeyaasha laan bangi oo Islii ku taala waxa uu sheegey in maalin kasta laabtiisa laga diri jirey lacag dhan Ks260 malyan oo shilin, maantana aanan xitaa laga dirin shan malyan.

Guryaha oo ay adkaan jirtey in la helo, maanta waa la’isku baryayaa, kirada waxa ay hoos u dhacday wax ka badan kala bar, halkii markii hore falaat lagu kireysan jirey 30 kun, maanta waxaa lagu baryootamayaa 12 kun oo kaliya.

Illaa 22 kun oo ganacsi ayaa la sheegey in ay ka guurtay Islii, una badan kuwa waaweyn, dariiqyadii cariiriga ahaa ee dadka isku buuran jireen, maanta waa kuwa dad teelteel u marayaan, iyada oo laamiga gawaaridii dhaqaaq-joogsan jirey saxmad darteed ay wadada xawaare ku marayaan.

Waxaa la sheegey in maalmo yar gudahood ganacsatada ay mar qura bangiyada iyo xawaaladaha kala baxeeb balaayiin lacag ah oo meelo kale lagu maalgashanayo, tanina waxaa la sheegey in xitaa ay soo jiidatay dareenka sirdoonka Kenya iyo hey’adaha la socda dhaqdhaqaaqa maaliyadda iyo suuqyada lacagaha.

Ganacsatada yaryar ee usoo badeeco doonan jirey Islii ma jiraan hadda, baabuurta dadweynahana waa dhif iyo naadir in ay soo aadaan dhanka Islii.
Islii waxa ay leedahay astaan kasta oo meel laga guurey ah, xitaa iskuulaadkii waxaa lagala baxay boqolaal arday ah oo waalidkooda ola guureen meelo kale, waxayna noqotey meel indhaha isku qabsatay.

Waxani oo dhan waxa ay dhacayaan kadib markii dowladda Kenya ay samaysay hawlgal balaaran oo kumanaan ciidamo ka qeybqaateen oo lagu qabqabtay boqolaal Soomaali ah oo iyagu lagu eedeynayay in ay qeyb ka ahaayeen amaan darada Kenya, laakiin waxaa la yaab leh in illaa iyo hadda aysan jirin hal qof oo loo xukumey qaraxyadii dhacay.

Dowladaha qaarkood ee Kenya dariska la ah ayaa ganacsatada Soomaalida siiyey dhul iyo sharci ay ku ganacsan karaan, durbana dowladda Kenya waxa ay dareemeysaa cawaaqib xumada ka dhalatay hawlgalkii aanan loo fiirsan ee la sameeyey.


Qof kasta ama koox kasta oo dooneysey in la barokiciyo ganacsiga Soomaalida waxay u egtahay in ay guul joogaan, laakiin qasaaraha ma ahan mid Soomaalida ku kooban, ee mid taabtay Kenya oo dhan, lagana yaabo in Soomaalida ay kasoo kabsato, kana reysato Islii.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada