Ciidan:- Danab Ciidamada Dalaayadaha ku Booda ee Soomaaliya

Ciidan:- Danab Ciidamada Dalaayadaha ku Booda ee Soomaaliya

daajis.com:-Horey waxaad u maqashay ama aragtay ciidamadda Alpha Group ama Gaashaan ee wajiyada duuban ee ay tabobartay hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, balse hadda waxaa soo ifbaxaya unug cusub oo ciidamo tabobar gaar ah heysta.

Waxaa lagu magacaabaa Danab, waxaana haatan si bareer ah fagaarayaasha oga sheegaya mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Maraykanka oo ciidamadani gacanta ku haya tabobarkooda iyo mushaarkoodaba.

Dowladda Maraykanka waxa ay dooneysaa in ciidamadani Danab ay la mid noqdaan sida kuwa Delta Force ama Navy Seals loo yaqaano ee dalka Maraykanka ee tabobarka gaarka ah heysta.

Gabadha lagu magacaabo Wendy R. Sherman oo ah xoghayaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka oo dhawaan hadashay ayaa shaacisey in Maraykankan uu tabobarayo ciidamada Danab, islamarkaasina rajo baddan laga qabo hawlkarnimadooda.

Si ka duwan unugta Alhpha ama Gaashaan oo tabobarkooda ka hela CIA, Unugta Danab waxaa tabobarka siiya aqalka Pentagonka ee militariga Maraykanka, waxayna toos u hoos tagaan wasaaradda gaashaandhigga, halka Gaashaan ay hoos tagaan nabad suggida Soomaaliya.

Danab waxa ay ka koobanyihiin illaa iyo 150 askari, xaruntooda ugu weyn waxa ay ku taalaa, laguna tabobaraa saldhiggii ciidamada cirka ee Soomaaliya ee Bali Doogle oo qiyaastii 100km u jira Xamar, kuna dhow magaalada Wanlaweyn ee u dhaxaysa Baydhabo iyo Xamar.

Tabobarkooda waxaa ka mid ah in ay dalaayado oga soo boodaan dayuuradaha qumaatiga u kaca ee helicopters-ka ama dayuuradaha kale.

Waxaa loo dhamaystirey agabkii ciidan oo dhan, xitaa toorida beeynaado loo yaqaano, waxaana loogu talogalay in si sanqar-tirasho leh ay hawlgalada u fuliyaan, islamarkaasina weeraraan meelaha bartilmaameedyada ah ee Alshabaab joogto, si la mid ah hawlgalkii unugta Navy Seals ee Baraawe ee fashilmay.

Waxa ay helaan mushaar aad u badan oo taleefoonka loogu soo shubo lacagta EVC Plus loo yaqaano, halkaasi oo ay qoyskooda oga sii diraan biilka.
Si ka duwan ciidamada militariga ee dowladda Soomaaliya, waxa ay helaan cunto dheelitiran oo ku filan, jimicsi iyo meelo ay jirkooda ku dhisaan, waxay leeyihiin dhaqaatiir u gaar ah, todobaad kastana caafimaadkooda waa la baaraa.
Waxaa si gaar ah loo dhowraa caafimaadkooda maskaxda, waxaana lagu dadaalaa in markasta maankooda uu degenyahay, iyadoo lagu la’isku dayo in loo yeelo wax kasta oo ay hiigsanayaan xagga nolosha si loo farxad galiyo.

Lama oga in ay wadashaqayn doonaan Danab iyo Gaashaan, laakiin waxaa xaqiiq ah in labaduba laga leeyahay hal ujeed oo ah waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada, yoolka ugu dambeeyo ee laga leeyahayna waa in ay soo qabtaan hogaamiyeyaasha Alshabaab iyo qof kasta oo halis loo arko si looga baaqsado hawlgalkii fashilka weyn ka dhacay ee 1993-dii ee Maraykanka doonayay in uu kusoo qabto Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, halkaasi oo ay ku dhinteen illaa iyo 18 askari oo ciidamadii Maraykanka ah, dhulka lagu jiidey meydka askari Maraykan ah.

Waxa ay qeyb ka yihiin mashruuca uu dhawaan Maraykanka shaaciyey ee ah in dowladda Maraykanka ay ka maaranto in ay ciidamo u dirto meel kasta oo la doonayo in hawlgal laga fuliyo, taasi badalkeedana la isticmaali karo ciidamada dalkaasi u dhashay, waxaana mashruucani ku baxaysa balaayiin doolar oo lacag ah.

Unugta Danan waxaa la sheegey in tiro ahaan la kordhin doono, lana geyn doono meelo kala duwan sida Gaalakacayo, Kismaayo iyo waliba Puntland meelo ka mid ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada